Donald Trump xisbiga uu hogaamiyo oo guuldaro kala kulmay doorashada ka dhacday gobolada Mareykanka

 

06/11/2019

 

Xisbiga dimuquraadiga ee Mareykanka ayaa guulo ka sheegtay doorashada talaadadii shalay ee barasaabka ismaamulka Kentucky, halka sidoo kale ay ku guuleesteen aqlabiyada aqalka golaha hoose ee gobolka Virginia.

Natiijadan ayaa wax weyn ka badali doonta rajada uu madaxweyne Donald Trump ka qabo markii labaad doorashada madaxtinimo ee dhaceysa sanadka soo Socda.

Xisbiga Dimuquraadiga ayaa dhanka kale guulo ka soo hooyay doorashada golaha hoose ee deegaanka ee ka dhacday gobolada Mississippi iyo New Jersey.

Barasaabka ismaamulka Kentucky ayaa waxaa ku guuleestay murashaxa xisbiga dimuquraadiga Mr Andy Beshear, kadib markii ay loolameen mas,uulka xilka hayay oo lagu magacaabo Matt Bevin.

Mr Bevin ayaa diiday in uu aqbalo guuldarro, inkastoo aan la ogeyn talaabada xigta uu qaadan Doono.

Madaxweyne Donald Trump ayaa ka hadlin guuldarada xisbigiisa soo gaartay balse waxaa uu u muuqdaa in uu aqbalay natiijada ka soo baxday doorashada Gobolada. – Universal TV Somali

Leave a Reply