Diyaarado Dagaal Oo Duqeyn Ka Fuliyay Shabeelaha Hoose

05-12-2018

 

Awdhiigle – Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa duqeyn dhinaca cirka ah oo xalay diyaarado dagaal ay ka fuliyeen deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday goobo Al Shabaab ay ku lahaayeen gudaha deegaankaasi.

Meelaha la duqeeyay ayaa waxaa ka mid ah xarun Al Shabaab ay ku qaadaan Canshuuraha iyo Saldhiga ay ku leeyihiin halkaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Gantaalo xoogan lala beegsaday xarumahaasi, islamarkaana ay burbureen.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in duqeyntan lagu burburiyay Gaari nuuca raaxada ah oo ay lahaayeen dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in duqeynta kadib Ciidamo hubeysan ay gudaha ugu daateen Awdheegle, kadibna iska hor imaad culus uu ka dhacay deegaankaasi.

Lama oga khasaaraha rasmiga ee Dagaaalyahannada Xarakada Al Shabaab ka soo gaaray duqeynataasi.

Illaa iyo haddana ma cada heybta diyaaradaha dagaal ee duqeynta ka fuliyay halkaasi.

Xaaladda ayaa saaka kacsan, iyadoona dadka deegaanku ay soo wajahday cabsi xoogan, kadib duqeyntaasi. – Radio Shabelle

Leave a Reply