Diyaarad Ethiopian Airlines oo Ku dhacday agagaarka Addis Ababa

 

10-03-2019

 

Diyaarad ay leedahay shirkada duulimaadka ee Ethiopian Airlines nooceeduna yahay Boeing 737 flight 302, oo saaka 8:38 am kaduushay garoonka diyaaradaha ee Bole international Airport ee magaalada Addis Ababa kuna siijeeday Garoonka Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ayaa lasheegay inay burburtay.

Sida ay FBC usheegeen masuuliyiinta Ethiopian Airlines diyaarada ayaa khadka kabaxday 6 daqiiqo uun kadib markay garoonka magaalada Addis Ababa kaduushay 8:44 am.

Wararka ayaa intaa kudaraya in diyaaradu kudhacday agagaarka magaalada bishoftu iyo naziret.

Diyaarada waxaa saarnaa 149 qof oo rakaab ah iyo 8 shaqaalaha diyaarada ah. – Somali Wayn News

Leave a Reply