Dilal Qorsheysan Oo Xalay Ka Dhacay Muqdisho

 

26-03-2019

 

Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dilal qorsheysan oo xalay ka dhacay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Dilkan ayaa la sheegay in loo geystay labo Qof oo ku sugnaa halka loo yaqaano Jiiro Wacbuudhan oo ka tirsan degmadaasi.

Rag ku hubeysnaa Bistoolado ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilkaasi, kadibna ay goobta uga baxsadeen, si aayar ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo howlgallo dad lagu soo qab qabtay ka sameeyay halkaasi.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda dilkan, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka.

War ka soo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ay dileen sarkaal ka tirsanaa ciidanka nabad sugida Soomaaliya, kaas oo ay magaciisa ay ku sheegeen Cadaan Cali Maxamed iyo mid ka mid ahaa ilaaladiisa, sida ay hadalka u dhigeen.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga dowladda Soomaaliya oo ku aadan dhacdadaasi.

Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay ka dhacayeen qeybo ka mid ah magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Leave a Reply