Dil xalay ka dhacay degmada Goldog ee gobolka Mudug

 

23-04-2019

 

Mudug (HOL) – Wararka naga soo gaaraya degmada Goldog ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in qof hubeysan uu xalay toogasho ku dilay Nin lagu magacaabi jiray Cadaawe Cali Aadan oo ka tirsanaa bahda cayaaraha degmada.

Saraakiisha amniga degmada ayaa warbaahinta u sheegay in gacanta lagu dhigay qofka toogashada geystay oo isku dayay in uu baxsado dilka kaddib.
Dadka degmada ayaa siweyn uga naxay dilka lagula kacay Cadaawe Cali Aadan oo ahaa qof siweyn looga garanayay deegaanka.

Lama oga ilaa iyo hadda sababta keentay dilka marxuumka hasse ahaatee saraakiisha Amniga ayaa sheegay in ay baaritaan wadaan.

Leave a Reply