Dil Lagu Xukumay Askarigii, Taliyeha Ciidan Ku Dilay Deegaanka Lawyacaddo Ee Jamhuuriyadda Somaliland

 

Cadceeda (Axad), 7da Maajo (May), 2023

 

HARGEYSA (WBW: The GBM) – Waxaa lagu soo waramayaa in Maxkamadda Ciidanka Milateriga ee Darajada Koowaad ee Jamhuuriyadda Somaliland ay Dil Toogasho ah ku xukuntay Dable Axmed Cabdi Cabdillaahi oo katirsanaa Ciidamada Bada ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Warka wuxuu ku darayaa in Askariga ay Maxkamadda Ciidanka Milateriga ee Darajada Koowaad ee Jamhuuriyadda Somaliland ay Dilka ku xukuntay in uu yahay Dable Axmed Cabdi Cabdillaahi oo katirsanaa Ciidamada Bada ee Dalka Somaliland, oo dilay Seddex Xidigle Khadar Maxamed Caynaanshe (Xabeeb); isla markaana ku dilay Deegaanka Lawyacaddo ee Gobolka Selel ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaadir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).