Dib U Dhac Ku Yimid War-Murtiyeedka Shirka Garoowe

24/10/2018

 

Garoowe – Wararka laga helayo magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa ku warramaya in dib u dhac uu ku yimid War-Murtiyeed la filayay in laga soo saaro shirka golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka, kaasoo 3 maalin ee la soo dhaafay ka socday gudaha magaaladaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Shabelle u sheegay in la’isku fahmi la’yahay qaabka loo dhigayo War-Murtiyeedka.

Hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada ee ka qeyb galaya shirkaasi ayaa lagu soo warramayaa in xalay kulamo gooni goooni ah ay ku yeesheen Garoowe, si ay uga arrinsadaan qodobada la’isku mari la’yahay.

Shirkan oo qaatay muddo 3 cisho ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaasha Jubbaland, K/ Galbeed, Galmudug iyo Puntland oo marti galineysa kulankaasi.

Waana shirkii afaraad oo ay yeeshaan golaha iskaashiga dowlad goboleedyada, tan iyo markii lagu aas aasay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. – Radio Shabelle

Leave a Reply