Dhoolatus Millateri oo Maanta laga sameeyay degmooyin ka tirsan G/Galgaduud

 

23/05/2019

 

Degmooyinka Guriceel & Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa Maanta dhoolatus Millateri ka sameeyay Ciidamada Maamulkii Gobolada Dhexe ee Ahlusunna balse haatan ku biiray Maamulka Galmudug.

Dhoolatuskaas ayaa waxaa uu ahaa mid baroor diiqayo Ciidamada ku geeriyooday dagaalkii cuslaa e Gobolka Galggaduud ku dhexmaray Ciidamada Ahlusunna iyo Ururka Al-Shabaab oo weerar ku qaaday taas oo sababtay in Ciidamada Ahlusunna ay deegaano la wareegaan.

Ciidamada ayaa dhoolatuskooda kasoo bilaabay Xeryaha Ciidamada ee duleedka degmooyinka guriceel iyo Dhuusamareeb,waxaana ay siwadajir ah u soo mareen Bartamaha xaafadaha degmadooyinkaas,iyada oo ay daawanayeen dadweyne ka kala yimid Xaafadaha degmooyinkaas.

Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan Maamulka Galmudug iyo Aas’aasayaashii Culimada Ahlusunna ayaa ka qeyb galay dhoolatuskaas,waxaana ay khudbado dardaaran ah u jeediyeen Ciidamadii dhaalatuska ka sameeyay degmooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ee Gobolka Galgaduud. – Radio Rislaala

Leave a Reply