Dhaqdhaqaaq ciidan oo ka socdo Gobolada Dhexe

 

20-05-2020

 

Wararka ka imaanaya Gobolada Dhexe ayaa sheegaya in uu ka socdo dhaqdhaqaaq ciidan, oo ujeedkiisu yahay in Al Shabaab looga saaro dhulka ay ka maamusho goboladaasi.

Ururka Al Shabaab ayaa muddo sanado ah ka arriminayay Magaalooyinka Ceelbuur, Ceeldheer, Galhareeri iyo Xarardheere oo ka kala tirsan Gobolada Galgaduud iyo Mudug.

General Odawaa Yuusuf Raage, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Isniintii gaaray Gobolka Galgaduud ayaa ka wado kulamo uu kula qaadanayo Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka.

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxa uu Talaadadii kormeer ku tagey Dugsiga Tababarka Harqaboobe ee Guriceel, halkaasoo in muddo ahba lagu diyaarinayay ciidan cusub.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya kuwa Galmudug iyo Amisom uu qorshuhu yahay in ay ku dhaqaaqaan dhulka ay Al Shabaab ka arrimiso.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qorshaha Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) uu yahay in xoraynta dhulkaasi uu qayb kaga dhigo boqolka maalmood ee xigga waxqabadkiisa.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa qaaday tallaabo wanaagsan oo hoggaaminta ku haboon, haddii uu dhulkaasi soo geliyo gacanta Galmudug. – Universal TV Somali

Leave a Reply