Dhaq Dhaqaaqyo Milatari Oo Ka Socda Shabeelaha Dhexe

12/10/2018

 

Mahadaay – Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku warramaya in maanta dhaq dhaqaaqyo Milatari laga dareemayo deegaano ka tirsan gobolkaasi.

Dhaq dhaqaaqyada oo ah kuwa ballaaran ayaa ka socda duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa Shabelle u sheegay in saacadihii la soo dhaafay Dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay soo gaareen galbeedka degmadaasi.

Dagaalyahannadan ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen dhanka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan oo howlgallo ay ka wadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa cabsi ka muujinaya in dagaal uu qaraxo halkaasi, maadaama dhaq dhaqaayo Ciidan ay ka socdaan qeybo badan oo ka mid ah gobolka Sh/ Dhexe.

Maalmihiin dambe Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ayaa sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda deegaanada HirShabelle. – Radio Shabelle

Leave a Reply