Dhakhaatiir Ajaanib ah Oo Adeegyo Caafimaad Oo Lacag La’aan ah Ka Wadda Magaalada Baligubadle

 

11/07/2019

 

Hargeysa – Waxa Maalintii shalay Cusbitaalka guud ee magaalada Baligubadle ee xarunta gabolka HAWD
ka bilaabmay adeeg Caafimaad oo Dhakhaatiir ajaanib ahi ay si tamarucaad ah u bixinnaayan.

Dhakhaatiirtan Ajaanibka ah ayaa ka socda dalka Pakistaan, waxaannay tiraddoodu dhan tahay 19 Dakhtar, iyagoo muddo lix maalmood ah ka hawl-geli donna magaalada Baligubadle ee xarunta gobolka Hawd sida ay u qorshaysay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.

Dhakhaatiirtan Ajaanibka ah ayaa adeegyadda ay bixinnayaan waxa ka mida Qalliinka iyo Daawaynta Indhaha oo loo samaynaayo dadka u baahan Adeegyaddaas.

Isu-duwaha Wasaaradda Caafimaadka ee gobolka HAWD Axmed Cali Dirayse ayaa Hadhwanaagnews u sheegay in 19-ka Dakhtar ay gobolka ku sugnaan doonnaan ilaa Lix maalmood, isla markaanna ay ilaa 500 oo ruux ay eeggeen, iyagoo Lixdan qofna u sameeyay Qalliin indhaha.

Isu-duwaha gobolka HAWD Axmed Cali Dirayse waxa uu sheegay in Wasaaradda Caafimaadku ay ugu talo-gashay inay dadweynaha gobolka HAWD ay ka faa’iidaystaan adeegyadda ay bixinayaan Dhakhaatiirtan Ajaanibka ah, isagoo intaas ku daray in 19-kan Dhakhtar ay ka socdaan Hay’adda Al Basal Foundation , waxaannu ugu baaqay dadweynaha magaalada Baligubadle iyo guud ahaan gobolka HAWD-ba inay ka faa’iidaystaan Adeegyaddan Caafimaad ee lacag la’aanta ah. – Hadhwanaag News

Leave a Reply