Dhaawacyo Laga Keenay Cadale Oo La Soo Gaarsiiyay Muqdisho

 

18-03-2019

 

Cadale (SMN) – Xasan Qaadil Qeyley oo ka mid ah waxgarad ku howlan dhex dhexaadinta beelo ku dagaalamay deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhex ayaa faah faahin ka bixiyay dhaawacyo gaaraya 21 Qof oo loo soo qaaday magaalada Muqdisho, kadib markii wax looga qaban waayey magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabelle.

Dadkan oo u badan dhinacyadii dagaalamayay ayaa waxa ay waxyeelo xoogan ka soo gaartay dagaalkii shalay ka dhacay agagaarka degmada Cadale ee gobolkaasi.

Sidoo kale Nabdoonkan ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaallada mar kale ka soo susboonay deegaanka Koobaar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xaaladda ayaa maanta dagan, waxaana socda waa-waan ay wadaan waxgaradka deegaanka iyo HirShabelle oo xal waara looga gaarayo colaadaasi.

Leave a Reply