DF Oo Shaacisay Waqtiga Ay Dhaceyso Doorashada Galmudug, Mudada Xil-Heyntana Ay Dhammaaday

 

24-06-2019

 

Dhuusamareeb – War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha Gudaha iyo dib u heshiisiinta ee Xukuumadda soomaaliya ayaa lagu sheegay inay dhamaatay waqtiga xilheynta ee Madaxda Galmudug,isla markaana dhawaan la qabanayo doorashada Galmudug.

War-Saxaafadeedka ayaa lgu sheegay in doorashada Galmudug la qabanayo 4-da Bisha soo socota ee July ee sanadkaan 2019 iyo in doorashadaas lagu qabanayo Magalada Madaxda Maamulka Galmudug ee Magalada Dhuusamareeb.

Warqada kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaaliya ee lagu sheegay in doorashada lagu qabanayo Magalada Dhuusamareeb iyo tan Madaxweyne Xaaf oo ah inay ka dhaceyso Magalada Cadaado ayaa waxaa ay weli u muuqataa in uu jiro khilaaf Siyaasadeed oo aan Isfahan laga gaarin.

 

Xigasho: Shaaciye News

Leave a Reply