DF Oo Dib-U-Eegis Ku Samayneysa Sharciga Xisbiyada

 

16-01-2020

 

Muqdisho – Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay dib u eegis ku sameyn doonto sharciyadda xabsiyadda.

Abukaate Xasan Xuseen Xaaji, wasiirka cadaaladda, ayaa tilmaamay in xeerkan uu haatan u marayo heer gabagabo ah.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in dib u habeynta lagu saleyn doono baahiyaha haatan jira.

Hadalkan ayuu ka sheegay munaasabad lagu soo bandhigay wax-qabadka 100-ka maalmood ee Taliyaha Asluubta Soomaaliya.

Mahad Cabdiraxmaan Aadan, taliyaha Asluubta, ayaa shaaciyey in uu xafiiska baneyn doono hadii uu la imaan waayo wax-qabad. – Radio Shabelle

Leave a Reply