Degaanka Ceelhuur Ee Gobolka Mudug Ayaa Waxaa Lagala Wareegay Argagixisada Al-Shabaab

 

Cadceeda (Axad), 15-01-2023

 

DEGAANKA CEELBUUR (WBW: The GBM) – Wararka ka imanaya Degaanka Ceelbuur ee Gobolka Mudug ayaa waxey sheegayaan in Ciidamada Qaranka, gaar ahaan kuwa Gorgor iyo Danab; iyo Ciidamada Daraawiishta Dowlad Goboleedka Gal-Mudug oo iyagane Garab ka helayo Xoogagga Degaanka, in Degaanka Ceelbuur ee Gobolka Mudug ay kala wareegeen Argagixisada Al-Shabaab kadib markii ay Argagixisada Al-Shabaab ay soo gaartay in lagu soo jeedo.

Wararka waxey intaasi ku darayaan in Ciidamada Qaranka, Ciidamada Daraawiishta ee Dowlad Goboleedka Gal-Mudug iyo Xoogagga Degaankaba, in ay kusii jeedeen Saldhiga ugu weyn ee Argagixisada Al-Shabaab ee Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Ugu dambeynti, waxey Ujeedada Ciidamada iyo Xoogagga Degaankaba ay tahay in Argagixisada Al-Shabaab laga ciribtiro Gobolka Mudug.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa Wararka Caalamka, gaar ahaana Wararka Jamhuuriyadda Soomaaliya (Siiba Gobolkii Banaaddir: Shabeellaha Hoose, Muqdisho & Shabeellaha Dhexe), Jamhuuriyadda Jabuuti, Jamhuuriyadda Somaliland, Degaanka Soomaalida Itoobiya, iyo Degaanka Soomaalida Keenya ee NFD (Northern Frontier Districts).