Deg deg: Qarax Xooggan oo Muqdisho ka dhacay

 

27-05-2019

 

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay Wadada hor-marta Xeebta Liido abaarihii salaadi maqrib xilliga Afurka.
Sida wararku sheegayaan qaraxan ayaa jugtiisa si aad ah looga maqlay qeybo ka mid ah Muqdisho, waxaana la sheegay in aanu wax khasaare ah sababin.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga qarxay uu yaalay Aargada Xeebta Liido, halkaasoo inta badan gawaarida la dhigto.

Sawiro laga soo qaaday gaariga qarxay ayaa muujinayay baaxada qaraxa iyo xajmigiisa, iyadoo gaariga qarxay uu ka soo haray labo lugood oo kale.

Tan iyo markii la galay bisha Ramadaan ayaa waxaa magaalada ka dhacay qaraxyo dhowr ah oo loo adeegsaday gawaari, kuwaasoo labo ka mid ah ay ahaayeen is qarxin. – Baidoa News

Leave a Reply