DEG DEG: Guddoomiyihii Baarlamanka Puntland oo xilkii laga qaaday

 

07-11-2019

 

Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo goor dhow kulan deg deg ah ku yeeshay xaruntooda magaalada Garoowe ayaa xilka ka qaaday Guddoomiyihii Baralamaanka Puntland C/xakiin Dhoobo Daareed ka dib mooshin laga keenay.

Illaa 49 ka mid ah 53 xildhibaan oo kulanka soo xaadiray ayaa cod gacan tag ah ku ansixiyey in xilka laga qaado Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Dhoobo Daareed, waxaana ka aamusay 4 xildhibaan.

Guddoomiye Dhooba-daareed ayaa hoolka Baarlamaanka aan ku sugnayn xiliga codaynta xilka qaadistiisa loo samaynayey.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamanka Puntland Cabdicasiis Cabdullaahi ayaa ku dhawaaqay guddi 7-xubnood ah oo diyaarinaysa doorashada Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka oo dhacaysa 14-ka bishan sida uu sheegay. – All Banaadir News

Leave a Reply