Dawlada Somaliya Oo Shaacisay Ujeedada Casuumad Gaar Ah Madaxwayne Farmaajo Sacuudigu U Fidiyay Iyo Taasi Mid La Mid Ah Oo La Gaadhsiiyay Madaxwayne Geele

 

20-04-2019

 

Muqdisho (BNN) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shalay garoonka diyaaradaha Muqdisho ku qaabilay Wafdi ka socday Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo uu hoggaaminayay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda u qaabilsan Arrimaha Afrika Axmed Kattan.

Wasiir Dowlaha arrimaha Afrika qaabilsan ayaa dhambaal uu ka siday Boqorka Sacuudiga soo gaarsiiyay Madaxweyne Farmaajo, iyadoo Madaxweynuhu uu guddoomay dhambaalkaas.

Qoraal Afka Carabiga oo la soo dhigay barta Twitter-ka ee Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu qaabilay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Afrika u qaabilsan Boqortooyada Sacuudiga Axmed Abdil Aziz Kattan, waxaana Madaxweynuhu ka guddoomay dhambaal uu ka siday Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan Bin Cabdulcasiis.

Leave a Reply