Dagaal Xoogan Oo Xalay Ka Dhacay Gobolka Sh/ Hoose

 

15-05-2019

 

Qoryooley – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ku warramaya in Xalay Al Shabaab iyo Ciidamada dowladda ay ku dagaalameen degmada Qoryooley ee gobolkaasi.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii Dagaalyahannada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen fariismo Ciidamadaasi ay ku leeyihiin degmadaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in dagaalku oo socday muddo kooban la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Ma cadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay intaba.

Xaaladda ayaa saaka dagan, waxaana meelihii lagu dagaalamay ku sugan Ciidamada Milatariga dowladda federaalka Soomaaliya. – Radio Shabelle

Leave a Reply