Dagaal xoogan oo ciidanka dowlada iyo ururka Al-Shabaab xalay ku dhexmaray degmada Afgooye

 

15-09-2019

 

Afgooye – Dhawaqa rasaas xoogaan ayaa xalay laga maqlayaa magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose kadib markii dagaal xoogan uu ka dhacay.

Iska hor imaadka ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen ciidanka milatariga ee ku sugan koontaroolka Afgooye.

Weerarkan ayaa waxaa ka dhashay qasaare xoogan oo labada dhinac soo kala gaaray walow xilli habeen ah ay aheyd.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa dib uga laabtay goobta iyadoo ciidanka milatariga ay wadeen howlgalo xoogan.

Dagaalka oo socday inkabadan saacad ayaa saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqii dadweynaha iyo gaadiidka magaalada. – Universal TV Somali

Leave a Reply