Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Baardheere

 

17-02-2020

 

Wararka naga soo gaaraya duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay uu ka dhacay dagaal u dhexeeyey ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyo ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay ku leeyihiin duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale Shabelle u sheegay inay maqlayeen daryanka hub culus oo ay is weydaarsanayeen labada dhinac.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka oo ka hadlay dagaalkaas ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka lagu soo qaaday.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray labada dhinac, balse xaaladda ayaa saaka degan, waxaana goobihii lagu diriray ku sugan ciidanka huwanta. – Radio Shabelle

Leave a Reply