Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Degmada Jalalaqsi & Ciidanka Jabuuti Oo La Wareegay

 

06-10-2019

 

Jalalaqsi – Warar dheeraad ah ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Jabuuti ee AMISOM iyo Ciidammada Maamulka Degmada Jalalaqsi kaas oo maanta ka dhacay gudaha degmadaas, waxaana la sheegay in ciidamada Jabuuti ay la wareegeen dhamaan Xarumaha Maamulka.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay, kadib markii Maamulka Degmada Jalalaqsi ay diideen in hawada laga saaro lana demiyo Xarunta Shirkadda Hormuud ee degmadaasi taas oo subax walba la demin jiray si howlo miino baaris ah ciidamada Jabuuti ay u sameeyaan.

Ciidamada Jabuuti ayaa gabi ahaanba la wareegay xarumaha maamulka uu ku shaqeynayay, waxaana banaanka magaalada loo saaray ciidankii maamulka.

Xaalada degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa haatan ah mid degan,waxaana dagaalkaan weli ka hadlin Mas’uuliyiinta Maamulka degmada Jalalaqsi iyo Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee howlgalka AMISOM kuna sugan Gobolka Hiiraan. – Shaaciye News

 

Leave a Reply