Dagaal culus oo ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray gobolka Shabeellaha Dhexe

 

08-03-2020

 

Faah faahin ayaa ka soo baxeysa dagaal xalay ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaan ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaalkan ayaa waxaa uu si gaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Raaxoy oo ku yaalla inta u dhexeeysa magaalada Jowhar iyo degmada Balcad, waxaana halkaas fariisimo ciidamada dowladda ay ku leeyihiin weerar kusoo qaaday Al-shabaab.
Saraakiil ka tirsan ciidmada dowladda oo warbaahinta la hadlay ayaa waxaa ay u sheegeen in weerarkii uga yimid dhanka Al-shabaab ay iska difaaceen, isla markaana ay war ka hayeen weerarkaas, waa sida hadalka loo dhigay.

Sidoo kale warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa lagu daabacay in weerarkan uu ahaa mid lagu qaaday kolonyo ciidamada AMISOM ah waxyeelana loo geystey.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer qaraxyo iyo dagaalo toos ah ku qaaday saldhiyo ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin deegaano ka tirsan Hirshabeelle gaar ahaan inta u dhexeeysa degmada Balcad iyo magaalada Jowhar. – Hiran Online

Leave a Reply