Dadka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo balan qaaday inay joogteynayaan la dagaallanka Al-Shabaab

 

10 Ottobre 2018

 

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka ayaa deeq raashin ah gaarsiiyay macawuusleyda la dagaallanta argagixisada Al-Shabaab, iyagoo kulan dhiiri gelin ah la qaatay dadka deegaanka ee is abaabulay oo ku nool deegaanka Guullane ee hoos yimaada Degamda Aadan Yabaal ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Maxamed Axmed oo ku hadlayay magaca dadka is abaabulay ee la magac baxay Macawuusley ayaa Xildhibaannada u sheegay inay u baahanyihiin kaalmo dhinac kasta ah, waxaana uu balan qaaday inay diyaar u yihiin difaacidda ciidda iyo calanka Soomaaliya.

Wasiiru-dowlaha Dekadaha iyo Gaadiidka badda ee Hirshabeelle Cismaan Xaadoole ayaa shacabka ku booriyay inay xoojiyaan la dagaallanka Al-Shabaab, isla markaana ay gacan ku siin doonaan sidii deegaannada Gobolkaasi looga sifeyn lahaa argagixisada Al-Shabaab.

Xildhibaan Maxamed Axmed Abtidoon oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sheegay in ujeedka socdaalkooda ay la xiriirtay u kuurgelidda xaaladda dhabta ah ee ka jirta deegaannada Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana uu rajo ka muujiyay in howlgalka uu gaari dooni ilaa iyo degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Xildhibaan Cabduqaadir Carabow oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay diyaar u tahay inay taageero siiso dadkan is abaabulay ee ka go’an inay deegaannadooda ka saaraan cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee Al-Shabaab. – Radio Mogadiscio

Leave a Reply