Dad u dhintay abaaraha ka jira Kenya iyo digniin laga bixiyay gobolka Soomaalida

 

15-03-2019

 

Waxaa walaac xoogan laga muujinayaa abaaro baahsan oo ku dhufta deegaanada dhaca gobolka waqooyi bari Kenya.

Arintaan ayaa timid kadib markii laba ruux ay gaajo iyo haraad ugu geeriyootay bartamaha Turkana.

Gudoomiyaha arimaha Bulshada ee Kang’irisae John Ekwar iyo wakiilka golaha hoose ee deegaanka Kerio Delta Peter Ekaru ayaa u sheegay Jaraa’idka Nation ee ka soo baxa Nairobi in haweeneyda iyo nin kale ay todobaadkii hore ay geeriyoodeen.

Dubat cali Camey oo ka mid ah odayaasha waqooyi bari ayaa ugu baaqay dowladaha Wajeer Garissa iyo Mandera in ay gurmad hore sameeyaan ka hor inta aysan xaalada faraha ka Bixin. – Universal Somali TV

Leave a Reply