Dad ku sumoobay caano ay cabeen oo la dhigay isbitaalka Qardho

 

18-01-2020

 

Wararka naga soo gaaraya magaalada Qardho ee gobolka Bari ayaa sheegaya in 8 ruux oo ka kooban laba qoys la dhigay isbitaalka magaalada kuwaas oo ku sumoobay caano ay cabeen sida ay sheegeen dhakhaatiirta isbtaalka.

Dadka sumoobay waxa ku jira Carruur yaryar kuwaas oo midkood uu markii danbe geeriyooday sida ay Xaqiijiyeen maamulka isbitaalka gacanta ku hayo xaalada caafimaad ee bukaanada.

Mas’uuliyiinta isbitaalka wax faah-faahin ah kama bixin sababta rasmiga ah ee keentay in dadkaas ay ku sumoobaan caanaha balse waxa ay warbaahinta u shegeen in dib ay ka faah-faahin donaan. – Radio Muqdisho

Leave a Reply