Dad ku dhintay ismiidaamin ka dhacday duleedka Afgooye

 

18-01-2020

 

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatay weerar ismiidaamin ahaa oo maanta ka dhacay agagaarka Isgoyska Baar Ismaaciil ee Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Nin naftii hallige ahaa ayaa beegsaday baabuur ay la socdeen Injineerada Turkiga ee dhiseysa wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Degmada Afgooye.

Saddexda qof ee weerarka ku dhimatay ayaa ahayd ilaaladii la socotay Injineerada Turkiga, iyadoo labaatan qof oo kalena ay ku dhaawacantay.

Lix ka mid ah Injineerada dalka Turkiga ayaa la soo sheegaya inay ka mid yihiin labaatanka qof ee ku dhaawacantay weerarkaasi. Laba ka mida ayay xaaladoodu garaab tahay.

Al Shabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxa ayaa sheegtay inuu bartilmaameedku ahaa Injineerada Turkiga, isla-markaana uu dhimasho iyo dhaawacba ka soo gaaray iyaga iyo askartii la socotayba.

28-kii bishii Desember ayay ahayd markii ismiidaamin ay dad badani ku dhinteen Injineerada Turkiga lagula eegtay Isgoyska Ex Control Afgooye ee Magaalada Muqdisho. – Universal TV Somali

Leave a Reply