Dad badan oo ku dhintay shil tareen oo ka dhacay magaalada Qaahira

 

27-02-2019

 

Ugu yaraan 28 ruux ayaa ku dhintay halka tiro kalena ay ku dhaawacmen shil tareen oo ka dhacay xarunta dhexe ee laga raaco Tareenada ee magaalada Al-Qaahira ee caasimada dalka Masar sida laga soo xigtay goob joogayaal iyo Tv-ga dowlada.

Muuqaalo la soo dhigay baraha bulshada ayaa waxaa laga dheehday dab xoogan iyo qiiq qariyay Tareenka qalibmay.

Gawaarida gurmedka deg dega ayaa ku xoomay goobta si ay u caawiyaan dadka waxyeelada ka soo gaartay shilkaan.

Waaxda qaran ee wadooyinka dalka Masar ayaa dhankooda xaqiijiyay in shilkaan ay dadi ku dhinteen.

Inkastoo ilaa iyo hada aan shaacin sababta ka danbeysa ee dhalisay shilkaan ayaa hadane waxaa isla durbadiiba xilka iska casilay wasiirka gaadiidka dowlada Masar Hashim Carafaat. – Uiversal Somali TV

Leave a Reply