Dacwado laga gudbiyay Cabdiwali Cali Axmed oo Sababay in si deg deg loogu amro in uu Muqdisho ku yimaado

 

20-02-2020

 

Qoraal kasoo baxay Wasiirka arimaha Dibadda Xukuumada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa lagu amray in afar maalin gudahood magaalada Muqdisho ku yimaado safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Cuman Danjire Cabdiwali Cali Axmed.

Sida ku cad qoraalka Wasiirka arimaha dibadda Safiirka ayaa waxaa dacwado kasoo gudbiyay diblumaasiyiinta kale ee safaarada ka shaqeeya, waxaana mudooyinkii dabme la sheegay in uu khilaaf ka jiray gudaha Safaarada.

Wasiir Cawad ayaa ku amray safiirka dalka Cuman u jooga Soomaaliya in mudo afar maalin gudahooda ku yimaado magaalada Muqdisho si xal looga gaaro dacwadaha laga soo gudbiyay iyo khilaafka kala dhaxeeya diblumaasiyiinta kale ee safaarada.

Halkan ka akhriso Qoraalka Wasiir Cawad ugu yeeray Danjiraha

– All Banaadir News

Leave a Reply