Dab xooggan oo goor dhow qabsaday dhisme ku yaalla Suuqa Bakaaraha

 

30-04-2019

 

Dab ayaa goor dhow wax yar ka hor salaadii maqrib qabsaday dhisme ku yaalla gudaha Suuqa Bakaaraha oo ah suuqa ugu weyn magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in dhismaha gubanaya uu ku yaalla qeybta Cabdalla Shideeye ee suuqa Bakaaraha oo inta badan lagu iibiyo qalabka electrooikada ah.

Wararka ayaa sheegaya in dabkan oo weli socda uu guud ahaan qabsaday dhismahaas oo ay ku jirtay hanti badan oo ganacsi, iyadoo laga cabsi qabo in dabku ku fido dhismeyaasha kale ee u dhow.

Gurmad xoogan oo loga hortagayo inuu faafo dabkan ayaa ka socda Suuqa Bakaaraha, waxaana halkaas gaaray gaadiidka dab demiska ee ay leedahay shirkadda Hormuud, welina ma cadda sababta dhalisay dabkan inkastoo wararka qaar ay sheegayaan inuu ka dhashay fiilo koronto. – All Banaadir News

Leave a Reply