Dab xoogan oo ka kacay Magaalada Guriceel

 

31-03-2019

 

Guriceel – Wararka laga helayo magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in goordhow kaalin shidaal oo ku taalla Guraceel uu ka kacay dab khasaaro geystay.

Dabka oo kusii fiday Goobo Ganacsi oo kale oo lagu Magacaabo shirkadda Beder ayaa markii hore ka bilaawday Kaalin Shidaal oo shirkaddu leedahay, iyada oo uu kusii fiday Goobo Ganacsi oo kale, sida Carwooyin iyo kuwo kale.

Dad ku sugan magaalada Guriceel ayaa u sheegay Warbaahinta in Maamulka magaalada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ay ku howlan yihiin deminta dabkaas isla markaana gurmad ay sameynayaan.

Dabka ayaa khasaaro farabadan oo hantiyadeed geystay, iyada oo goobo Ganacsi ay leedahay Shirkadda Beder uu ku faafay, waxaana socda gurmad dabkaasi lagu deminayo.

Waxaa uu hada dabka u gudbaya xarunta Hormuud. – Hiiraan Xog

Leave a Reply