Cumar Xasan Al-Bashiir oo lagu xukumay xabsi kadib markii lagu helay Musuq

 

14/12/2019

 

Madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa lagu xumay xabsi kadib markii lagu helay danbiyo ay ka mid yihiin Maasuq iyo adeegsiga lacagta madow intii uu talada Hayay.

Xukun ka dhan ah 75 jirkaan ayaa sabtida maanta ah waxaa gaartay Maxkamada magaalada Khartuum iyadoo labo sano oo xabsi ah uu muteysan Doono.

Inta uu xiran yahay ayaa waxaa loola macaamili doonaa si caadi ah waxaana Maxkamada ay amartay in adeegyada aas aasiga ah loo Fududeeyo, maadaama uu gabow Yahay.

Mr Al-Bashiir oo hayay xilka 30 sano ayaa laga tuuray talada 10-kii bishii April kadib dibadbaxyo xoogan oo gilgilay dalka Suudaan.

– Universal TV Somali

Leave a Reply