Cosoble “Haddii Mas’uuliyiinta dowladda ay dhagaha ka fureysteen arrinta Muqdisho, waxaa imaan doonta in Shacabka isku soo baxaan…”

 

21/08/2019

 

Muqdisho – Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Ilays, kana mid ahaa Musharaxiintii isu soo taagtay doorashada Madaxweynaha ayaa ku eedeeyay Madaxda dowladda Federaalka inay dhegaha ka fureystaan arrinta Maqaamka Muqdisho.

Xildhibaan Cosoble oo horboodaya mashruuca Maqaamka Muqdisho iyo sidii dadka deegaanka maamul ay soo doorteen looga hirgelin lahaa Gobolka Banaadir ayaa sheegay in shacabka ay isu soo bixi doonaan, shirkoodana ay qabsan doonaan, ayna ku dhawaaqi doonaan wax ay raalli ka yihiin iyo maamul ay soo doortaan oo ay la xisaabtamaan.

“Dadka Gobolka Banaadir degan waa dadka kaliya ee maanta dowladda Dhexe ayaga ku haayo, canshuur ku haayo, amni ku haayo, ciidan ku haayo, hadana looma ogolo in duq magaalo iyo Guddoomiye Gobol soo doortaan, inta aan la gaarin maqaam caasimad, caasumadda maxay noqonayee, anaga waxaa rabnaa Gobolka Banaadir inuu yeesho Gole deegaan ay dadka soo doortaan, Golahaas deegaankan uu soo doorto ninka ka noqonaya Duqa magaalada iyo Guddoomiyaha Gobolka”ayuu yiri Xildhibaan Cosoble

Xildhibaanka ayaa sheegay inay dadka deegaanka ay ku hoggaaminayaan sidii dadka deegaanka ay u soo dooran lahaayeen maamul ay la xisaabtamaan, isla markaana noqdo maamul xor ah.

Hadalka ka soo yeeray Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali ayaa ku soo beegmaya, iyadoo muddo bil ku dhow uu bannaan yahay xilka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Duqa Muqdisho, kaddib markii horaantii bishan uu dhaawac ka soo gaaray qaraxii bishii hore ka dhacay Xarunta Gobolka uu u geeriyooday Marxuum Eng. Yariisow. – Jowhar News

Leave a Reply