Ciidamo Katirsan Boliiska Soomaaliya Oo Dilay Askari Kamid Ahaa Ilaalada Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid Ee Magaalada Muqdisho

 

17/03/2019

 

Yaaqshiid (WBW: The GBM) – Warar soo gaaray Warbaahinta Banaadir Weyne (The Great Banadir Media) waxaa ay sheegayaan in ciidamo katirsan Boliiska Soomaaliya ay shalay barqonimadii ay dileen askari kamid ahaa ilaalada Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid Cabdiweli Cabdullaahi Maxamed oo dhawaantan loo magacaabay xilka gudoomiyenimada Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.

Warka wuxuu ku darayaa in Ciidamada Boliiska Soomaaliya ay si gaar ah u ugaarsanayeen Gaariga Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid Cabdiweli Cabdullaahi Maxamed, sida laga maqlayay Fooneeyaha Ciidamada Boliiska Soomaaliya.

Sanadkii hore ay aheyd markii Aabaha Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid Cabdullaahi Maxamed uu sida lama filaanka ah uu ugu geeriyoonayay Magaalada Nayroobi, kadibna sida deg-degta ah loogu aasayay Magaalada Muqdisho.

Waxaa kasii horeysay in Adeerka Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid Jeneraal Nuur Shirbow isna lagu dilo weerar loogu geystay Aqalka Madaxtooyada Soomaaliya sanadka markuu ahaa 2014-tii.

Ugu dambeystii, askariga ay Ciidamada Boliiska Soomaaliya ay shalay barqadi ay dileen isla markaana kamid ahaa ilaalada Gudoomiyaha Degmada Yaaqshiid, waxaa uu ahaa Xuseyn Xeydar Kulmiye.

Warbaahinta Banaadir Weyne (WBW: The GBM [The Great Banadir Media]) waxaa markasta lagala socon karaa wararka xiisaha leh.

Leave a Reply