Ciidamo ka tirsan qeybta 12-ka April oo isaga baxay deegaanka Dhanaane

 

17/03/2019

 

Ciidanka xoogga dalka ee qeybta 12-ka April ayaa isaga baxay deegaanka Dhanaane oo ka tirsan Gobolka Shabeelle Hoose, isla markaana dhaca wadada xeebta ee isku xirta Muqdisho iyo Marka.

Wararka ayaa sheegaya in galabta ay ciidamadan ka soo baxeen difaacyadii ay ku lahaayeen deegaanka Dhanaane oo muddo bilooyin ay saldhig u aheyd.

Ilo ku dhow dhow Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamadan qeybta 12-ka April ayaa sheegaya inay ka cabanayaan mushaar la’aan, isl markaana muddo afar bilood aysan helin wax xuquuq ah.

Sidoo kale Ciidamada qeybta 12 April ayaa muddooyinkii u dambeeyay dhinaca badda lagu gaarsiinayay dhanka Saadka, kaddib markii dhanka wadada qaraxyo dhowr ah lagula eegtay Kolonyada saadka u siday.

Ciidamadan ka tirsan qeybta 12-ka April ayaa muddo bilo ka hor howlgallo kula wareegay deegaanada xeebta ee isku xira Muqdisho iyo Marka.

Hoggaanka Taliska qeybta 12-ka April ayaa muddo saddex bil gudahood waxaa laga dilay Taliye, Abaanduule iyo Saraakiil kale, kaddib qaraxyo miino lala beegsaday gaari ay la socdeen agagaarka Deegaanka Dhanaane.

Bilihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxayay warar sheegaya in qeybo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka aysan helin wax mushaar ah. – Jowhar News

Leave a Reply