Ciidamo Daacad U Ah Generaal Odawaa Yuusuf Raage Oo La Wareegay Qeybo Ka Mid Ah Muqdisho

 

22-09-2019

 

Muqdisho – Ciidamo uu wato Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa xirtay mid ka mid ah wadooyinka ugu muhiimsan ah magaalada Muqdisho,kuwaasi oo u diiday dadka iyo gaadiidka iyo mudo saacado ah isticaalaamaan wadadaasi.

Ciidankan oo aad u hubeysan watayna 13-gaadiidka dagaalka ah ayaa xirtay isgoyska Ex-Kontarool Afgooye ilaa iyo deegaanka Garas-baaleey ee duleedka magaalada Muqdisho.

Lama oga sababta ay ciidankan daacada u ah Generaal Odawaa Yuusuf Raage ay u xireen wadadaasi,waxayna mudadii koobaneyd ay joogeen saameyn ku yeelatay isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Lama oga sababa rasmiga ah,balse warar hoose oo Shabakadda Shaaciye.com ay heshay ayaa sheegaya in qaar ka mid ah xaafadaha ku yaalo duleedka Muqdisho lagu sheegay kooxo Al-Shabaab oo halkaasi weeraro ka soo abaabulaya lana doonayay in laga hortago.

Generaal Odawaa Yuusuf Raage oo ah nin dhalinyaro ah la rumeysan yahay inuu u fir fircoon yahay la dagaalanka Al-Shabaab,isagoona mudadii uu xilka hayay ku guuleystay inuu iska caabin xooggan Dowladda ku sameysay Al-Shabaab. – Shaaciye News

Leave a Reply