Ciidamada Xoogga Dalka Oo Kala Dhex Gelaya Beello Walaallo Ah Oo Ku Dagaalamaya Gobolka Mudug

 

10-12-2019

 

Ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 21-aad oo gudanaya waajibaadkooda ayaa ku sii jeeda deegaanadii maalmihi lasoo dhaafay ay ku dagaalamayeen beelo walaalo ah oo wada dega gobolka Mudug.

Ciidamadaan oo Saacadihii lasoo dhaafay ka ambabaxay xerada qeybta 21-aad ee magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa hoggaaminayay, Janaraal Mascuud Maxamed Warsame taliyaha guutada 15-aad, qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka, waxaana lagu wadaa in ay gaaraan deegaannada ay ka socdaan dagaaladu ee Afbarwaaqo iyo kuwa kale si ay u kala dhex galaan.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa dagaal u dhaxeeyay beelo walaalo ah waxaa uu ka socday deegaanada Afbarwaaqo iyo Towfiiq ee bariga gobolka Mudug, iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku baaqday in la joojiyo colaadaas. – Radio Mogadiscio

Leave a Reply