Ciidamada Xoogga Dalka Oo Hawlgal Kaga Soo Furtay Al-Shabaab Xoolo Iyo Dad Shacab Ah

 

29-09-2020

 

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa hawlgal ay ka sameeyeen Gobolka Baay, waxa ay sheegeen in ay ku soo furteen dad Shacab ah.

Dadkan shacabka ah ayaa waxaa la sheegay in Al-Shabaab ay ku haysteen deegaanno ay ciidamadu ka sameeyeen hawlgalka.

Saraakiisha hoggaaminayay hawlgalka ayaa waxa ay sheegeen in deegaanno ay ka mid yihiin Buur Ayle, Walaq iyo qaar kale, halkaas oo ay sheegeen in ay ku dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Sidoo kale waxa ay sheegeen saraakiishu in dadka shacabka ah deegaankaasi ay ku dhibaateyn jireen deegaannada ay tageen, iyagoo sheegay in ay dib ugu soo celiyeen xoolo ay ka dhaceen Al-Shabaab.

Ciidamada Xoogga Dalka ayaa waxa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan hawlgallada ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab. – Radio Kulmiye

Leave a Reply