Ciidamada Hirshabelle oo hawlgallo ka dhan ah Al-shabaab ka wada Duleedka Jawhar

 

18-02-2020

 

Ciidamada amniga ee magaalada Jowhar ayaa hawlgalo ay ka sameyeen duleedka magaalada ku fashiyay dhagarqabayaasha weerar ay Al-shabaab doonayeen in ay kusoo qaadan Jawhar.

Ciidamada amaanka ayaa waxay la socdeen dhaqdhaqaaqaya ay wadaan maleeyshidkaan ku dhumaalaysanaya ee doonaya argagixinta bulshada ku dhaqaan magaalada Jawhar.

Weerarkan ay fashiliyeen ciidamada amniga waxaa ay ka war heleen ka dib markii ay dadka deegaanka kusoo wargaliyeen, fariismada ciidamada ay ku leeyihiin buundada xaafadda Buulo sheekh ee bariga magaalada.

Ciidamada ku sugan goobta ayaa daqiiqado kooban ay ku kala ceyriyeen malleeshiyaadka weerarka soo abaabulay ,sidoo kale majiraan wax qasaare ah oo soo gaaray ciidanka Booliiska ama dad rayid ah, ciidamada ay saaka u ruuqaansaday deegaanno dhaca duleedka bari ee magaaladaasi, iyagoo kasi wada howlgallada lagu xaqiijinayo amniga laguna baadigoobayo firxadka maleeshiyaadka Al-Shabaab halkaasi ka baxsaday. – SONNA

Leave a Reply