Ciidamada DANAB oo howlgal ka sameeyay deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose

 

26/03/2019

 

Ciidamada Xoogga dalka ee DANAB ayaa howlgal ka sameeyay deegaano ka mid ah Sh/Hoose oo ay maamulaan Al-Shabaab, iyadoo howlgalka lagu qaaday Saldhigyo Shabaab ay lahaayeen.

Ciidamada howlgalka waday meelaha ay tageen waxaa ka mid ah deegaanada Godale, Cadalay, Luqmaan Cilmi shide iyo Baladul-amiin oo dhamaantood ka tirsan deegaanka Toora Tooroow oo Shabaab ay ku leeyihiin Maxkamad ay dadka u garsoor tagaan.

Taliyaha Ururka 4aad ee DANAB Gaashaanle C/raxmaan Jeeniqaar Sheekh Cumar ayaa howlgalkan hoggaaminayay, iyadoo Shabaab ay isaga baxeen deegaanada ka hor inta aysan soo galin Ciidamada.

Ciidamada Kumaandoosta Soomaaliya ee DANAB ee howlgalka fuliyay ayaa dib ugu laabtay Saldhiggooda Balli-doogle oo ah halka ay ka soo abaabulaan howgalada qorsheysan ee ka dhanka ah Kooxda Shabaab. – Jowhar News

Leave a Reply