Ciidamada Booliiska oo goordhaw fashiliyay qarax lasoo dhigay laamiga hor mara Jaamacada Ummadda

 

03-06-2020

 

Muqdisho (SONNA) – Ciidamada Booliiska Soomaaliya gaar ahaan kuwa miino baarista ayaa goordhaw qarxiyay miino lagu aasay laamiga hor mara Jaamacada Ummaddaa Soomaaliyeed ee magaalada Muqidho.

Qaraxan ayaa la sheegay in ay arkeen dad ka agdhawaa halka lasoo dhigay, waxaana ciidamada booliiska oo lagu wargaliyay qaraxan ay xireen laamiga iyagoona mudo kadib ku guuleestay in si nabad galyo ah ay u qarxiyaan.

Ma jiro wax khasaaro ah oo ka dhashay qaraxan miino ee goordhaw lagu qarxiyay, waxaana qaraxa markii ay fashiliyeen ciidanka booliiska shacabka u ogolaadeen in ay laamiga isticmaalaan.

Leave a Reply