Ciidamada Ammaanka oo baaraya dadkii ka dambeeyay afar ruux oo xalay lagu dilay duleedka magaalada Dhuusamareeb

 

12-06-2019

 

Dhuusamareeb – Wararka aan ka helayno gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay Saqdii dhexe 4 Ruux lagu dilay deegaan Duleedka ka ah Magalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Wariyeyaasha warbaahinta Qaranka ee ku sugan deegaanada Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen in Deegaanka Dhiin-waris oo Dhanka Koonfur ka Xiga Magaalada Dhusamareeb lagu dilay Afar Qof oo ka mid ahaa Shaqaalaha Goob Shinada Malabka looga dhaliyo.

Meydka Afarta Ruux ayaa la sheegay in loo soo qaaday dhinaca Caasimadda dhuusamareeb, iyada oo Maamulka Galmudug uu wado baritaano ku aadan dadkii ka dambeeyay dilkaas iyo sababta ka dambeysa dilkooda.

Majirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyada dilka Afarta Ruux ee Shacabka ahaa loogu geystay duleedka Magalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud. – Radio Mogadishu

Leave a Reply