Somali News

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka oo u ambabaxay Turkiga

  21/05/2019   Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa maanta safar shaqo ugu baxay dalka Turkiga. Guddoomiyaha Bangiga dhexe, Cabdiraxmaan Maxamed Cabullaahi, iyo maareeyaha dekadda Muqdisho, Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed Washington) ayaa kamid ah wafdiga Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka hoggaaminayo ee u baxay dalka Turkiga. Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa inta uu joogo ...

Read More »

Xog: Xaaf iyo Deni oo ku kulmaya Gaalkacyo

  21/05/2019   Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo maalmahan ku sugnaa Magalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya ayaa Maanta dib ugu soo laabtay dalka, isaga oo gaaray Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug. Soo dhaweyn kadib Madaxweyne Xaaf oo hadal kooban siiyey Saxaafadda ayaa sheegay in dhawan uu faah faahin doono shirkii fashilmay ee Garoowe, isla markaana War-Saxaafadeed wadajir ah ...

Read More »

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Wakiilka sare ee Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Dibadda

  21-05-2019   Mogadisho (SONNA) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa Isniintii ku qaabilay Muqdisho Wakiilka sare ee Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga ahna Madaxweyne kuxigeenka Ururka Midowga Yurub, Marwo Federica Mogherini, oo booqasho shaqo ku timid Caasimadda Soomaaliya iyadoo hoggaaminaysa wafdi weyn oo dhinacyo kala duwan leh. Wasiir ...

Read More »

Guddoomiye Waaxeed Lagu Dilay Degmada Howlwadaag

  20-05-2019   Muqdisho – Kooxo Hubeysan ayaa caawa Guddoomiye waaxeed waxa ay ku dileen Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir. Guddoomiye waaxeedka la dilay oo ka tirsanaa Maamulka degmada Howlwadaag ayaa lagu Magacaabi jiray Maxamed Xasan Gaab , waxaana uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray weerar ay ku soo qaadeen kooxo Bastoolado Ku hubeysan. Ninkaan ayaa horay Guddoomiyaha dhalinyarada ...

Read More »

Federica Mogherini oo booqasho ku tagtay Muqdisho

  20/05/2019   Madaxa sare ee arrimaha dibedda ee Midowga Yurub, Federica Mogherini ayaa maanta booqasho ku tagtay magaalada Muqdisho. Mogherini ayaa waxa ay la kulantay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre. Midowga Yurub ayaa ka mid ah ururada ugu waaweyn beesha caalamka ee taageera Soomaaliya. Midowga Yurub ayaa sannadkii hore ansixiyey lacag dhan 116 milyan oo dollar oo ah ...

Read More »

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo meel mariyay Sharciga Batroolka dalka

  20-05-2019   Xildhibaanada golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka oo maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay xaruntooda ayaa la horgeeyay dhowr hindo sharciyeed ay kaga doodayeen kulankooda . Kulanka ay yeesheen Xildhibaanada golaha shacabka ayaa dood dheer kadib waxa ay Xildhibaanada qaab gacan taag ah h ku meel mariyeen sharciga batroolka dalka oo horey usoo ansixiyeen golaha Wasiirada Soomaaliya. Sharciga ...

Read More »

Xeer-ilaaliyaha oo doonaya in Assange loo soo gudbiyo Sweden

  20-05-2019   Julian Assange sawir: Matt Dunham/AP   Xeer-ilaaliyaha ayaa gudbiyey codsiga ah u soo gudbinta asaasaha Wikileaks Julian Assange Sweden isagoo lagu tuhunsan yahay danbi kufsi. Hey’adda xeer-ilaaliyaha ayaa sidaa ku sheegtay fariin jaraa’id. Ku xigeenka xeer-ilaaliyaha guud xarunta Göteborg Eva-Marie Persson ayaa dooneysa in Assange oo imminka ku jira xabsi ingiriiska ah loo soo gudbiyo Sweden iyadoo ...

Read More »

Xaliimo Yareey oo ku baaqday in laga raro Xarunta ay ku leeyihiin Madaxtooyada

  20/05/2019   Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa ku baaqday in Guddigooda laga soo raro xarunta ay haatan ku shaqeeyaan oo ku dhex taala madaxtooyada Soomaaliya,kaddib caqabado soo wajahay Guddigooda. Waxa ay dalabkeeda saldhig uga dhigtay in aan lagu soo booqan karin xafiiskooda oo ay ku adag tahay dadka ay wada shaqeynta kala dhexeyo ...

Read More »

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida oo Xukun ku riday Laba ka tirsan Maleeshiyada Alshabaab

  20-05-2019   Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa Xukun ku riday Laba katirsan Maleeshiyada Alshabaab oo kala ah Canshuur Cusmaan Abuukar Cumar (Asad) iyo Maxamed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) oo racfaan ka soo qaatay xukunkii Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida. Go’aan Qoraaleedka ka Soo baxay Maxkamadda Sare Ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa U qornaa Sidan:- “MARKAY ...

Read More »

Xog: yaa Goodax Barre ku qasbay inuu raali galiyo Puntland

  20-05-2019   Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa raali galin buuxda ka bixiyay hadal uu dhawaan ka jeediyey Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka HirShabelle oo uu ku sheegay in imtixaanka Puntland uu fashilmay. Goodax ayaa ku cudur-daartay in lasoo gaarsiiyey war ku saabsan in Madaxweynaha Puntland uu sheegay in la jabsaday Imtixaankii Dugsiga sare ee Puntland balse ...

Read More »