Somali News

Wasiirka Cadaalada oo ka hadlay maxbuus xanuunsan oo ku geeriyooday xabsiga Xamar

  19-12-2019   Muqdisho – Wasiirka caddaaladda ee xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa ugu baaqay ehelada iyo qoyska marxuum Xasan Kurtun oo ku geeriyooday xabsiga dhexe ee Xamar inay aasaan marxuumka ayna dowladu baaritaan ku sameyn doonaan sababta loogaga saaray isbitaalka lagu daweynayay. Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay in tillaabo cad ay ka qaadi doonaan taliyiihii xabsiga dhexe ee ...

Read More »

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame Oo La Kulmay Safiirada Mareynkanka & Ingiriiska

  18-12-2019   Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame iyo xubno Xisbiga ka tirsan Guddiga fulinta Xisbiga ayaa kulamo la qaatay safiirada Mareynkanka iyo Ingiriiska. Hoggaanka Xisbiga Wadajir & Safiirada Ingiriiska iyo Mareynkanka ayaa ka wada hadlay sidii ay dalka ugu dhici lahayd doorasho loo dhanyahay, xiligeeda ku dhacda, dasuurkana waafaqsan. Sidoo kale, inta uu kulanka socday ayay mas’uuliyiintu isku ...

Read More »

Shirkii Heritage ee Jabuuti oo lasoo geba-gebeeyey

  18/12/2019   Shirka Heritage   Kulanka Madasha aragti is-weydaarsiga Soomaalida ee uu soo qaban qaabiyey machadka daraasaadka siyaasadda ee Heritage ayaa maanta lagu soo geba-gebeeey magaalada Jabuuti. Kulankan oo socday saddex maalmood ayaa waxaa sanadkan hal ku-dhiggiisu ahaa Kaalinta Soomaalida ee Nabadda Geeska Afrika. Arrimaha diiradda lagu saaray waxaa ka mid ahaa, Nabadda Geeska Afrika, arrimaha Somaliland, horumarinta kartida ...

Read More »

Taliska ciiddanka asluubta Soomaaliya oo shaqadii ka joojiyay taliyihii xabsiga dhexe ee Xamar

  18-12-2019   Muqdisho – Taliska ciiddanka asluubta Soomaaliya ayaa shaqadii ka joojiyay taliyihii Xabsiga Dhexe ee Xamar, Sarreeye Guuto Maxamed Shiikh Xirsiile, kadib markii lagu eedeeyay inuu maxbuus xanuunsan Kala baxay isbitaalka kadibna uu ku geeriyooday xabsiga. Shir jaraa’id oo uu talisku qabtay ayuu ku sheegay inay aad uga xun yihiin dhacdadaas foosha xumayd ee uu ku geeriyooday Xasan ...

Read More »

Nin Dil Ka Geystay Dhuusamareeb Oo La Qabtay

  18-12-2019   Ciidamada ammaanka ee ka howlgal Dhuusamareeb ayaa maanta gacanta ku soo dhigay nin xalay walaalkiis oo ay ilmo adeer ahaayeen ku dilay gudaha magaaladaasi. Gaashaanle C/laahi Xasan Macalin taliyaha Booliska Dhuusamareeb, ahna taliyaha ciidamada Xasilinta ee degmadaasi ayaa sheegay in ugu dambeyn lagu guuleystay in ninkaasi la soo qabto, isagoo uu ku dhuumaaleysanayey isla xaaafadda uu dilka ...

Read More »

Dil argagax leh oo ka dhacay magaalada Dhuusomareeb iyo Howlgal socda

  18-12-2019   Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug ayaa sheegaya in xalay halkaasi uu ka dhacay dil dad badan ka argagaxeen, kadib markii nin kamid ah dadka deegaanka uu dilay walaalkiisa. Dadka deegaanka ayaa ku waramay in khilaaf xoogan oo soo kala dhax galay labada nin ee walaalaha uu ugu dambeyn xalay sababay gacan ka hadal dhaliyay ...

Read More »

Amaro laga soo saarey Amniga degmada Diinsoor

  18-12-2019   Guddiga Amniga degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa waxaa ay amarro culus kasoo saarey dhinaca Amniga degmada, iyada oo digniin la direy dad hub sharci darro ah ku dhex qaata Magaalada. Qoraal uu ku saxiixan yahay guddoomiyaha degmada Diinsoor oo ay guddiga soo saareen ayaa waxaa lagu sheegay in Ciidan aheyn kuwa Dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ...

Read More »

Trump oo maanta lagu wado in loo qaado codka kalsooni kala noqoshada

  18-12-2019   Golaha Koongareeyka Mareeykanka ayaa maanta waxaa lagu wadaa in ay codka kalsooni kala noqoshada u qaadaan Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo ku eedeeysan qayaano Qaran. Xildhibaanada Xisbiga Dimuqraadiga yaa wada dadaallo ay ku doonayaan in ay ku helaan 20 xildhibaan oo dheeri ah si madaxweynaha uu xilka u waayo. Trump ayaa dhankiisu wada dadaal uu kaga hortagayo ...

Read More »

Dowladda Somalia oo la sheegay inay xirtay Yuusuf Xasan Mursal

  17/12/2019   Ciidamada   Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga dawladda xilligan jirta Cabdirashiid Maxamed Cabdullaahi ayaa ku eedeeyey ciidamada amniga inay xireen Yuusuf Xasan Mursal oo ka tirsanaa dadka u dhaqdhaqaaqa sii daynta Mukhtaar Roobow Abu Mansour oo ku jira xabsi-guri. Cabdirashiid ayaa VOA u sheegay in Yuusuf Xasan ay shalay gurigiisa Muqdisho kala baxeen ciidamo ka tirsan dowladda, sababo ...

Read More »

Taliye Ciidanka Xoogga Dalka Oo Gaaray Deegaanka Xaaji Cali

  17-12-2019   Taliye Ku xigeenka ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya, Sarreeye Guuto Maxamed Cali Bariise ayaa maanta booqday fariisimaha ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Xaaji Cali ee hoostaga degmada Cadale ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Taliye ku xigeenka ayaa mid Mid u kormeeray fariisimaha ciidanka Xoogga dalka ay ku leeyihiin deegaanka Xaaji Cali, wuxuuna sidoo kale kulamo la qaatay odayaasha ...

Read More »