Somali News

Barnaamijka Carbiska Shaqo Qaran ee Somaliland oo la Daah Furay (Daawo Sawirada)

  03-03-2019   Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Barnaamijka carbiska dhallinta ee shaqo qaran oo kamid ah tiirarkii halbawlaha u ahaa ballanqaadyadii uu sameeyay xiligii doorashada. Munaasibadda Daah-furka barnaamijka shaqo qaran oo lagu qabtay deegaanka Darar-weyne oo hangarro waaweyn oo qalabaysan looga dhisay dhallinyarada barnaamijkan ku guulaysatay, ayaa waxa ka qaybgalay madaxweynaha Jamhuuriyadda ...

Read More »

Muqdisho: Mas’uul Degmo oo Qarax ka Badbaaday

  03/03/2019   Afar ruux oo rayid ah ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen qarax miino oo maanta ka dhacay inta u dhaxeysa deegaanada Tareedishe iyo Weydoow ee duleedka magaalada Muqdisho. Qaraxa oo ahaa miino la dhigay waddad dhinaceeda ayaa waxaa lala beegsaday baabuur uu la socday gudoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee deegaanka Garasbaalleey Cabdullaahi Gumnuri, balse mas’uulkan ...

Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Ingiriiska

  03/03/2019   Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Dowladda Ingiriisku u soo magcawday Soomaaliya Ben Fender. Danjiraha cusub ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriin iyo salaan uu uga siday Boqoradda dalka Ingiriiska, isaga oo Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay weerarradii ay dhawaan argagaxisadu ku beegsatay shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan. Madaxweyne ...

Read More »

Wasiirka Amniga Soomaaliya oo la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Masar

  3 Marzo 2019   Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuubakar Isloow iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Masar, General Maxamuud Towfiiq. Wasiirka Amniga Soomaaliya Mudane Maxamed Abubakar Isloow ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay kaalinta hoggaamineed ee Masar ay ku leedahay qaaradda Afrika. Wasiirka ayaa intaas ku daray inay Soomaaliya ...

Read More »

Maamulka Galmudug oo si kulul uga hadlay ciidamo la wareegay Madaxtooyada Cadaado

  03/03/2019   Maamulka Galmudug ayaa si kulul uga hadlay weerarkii ciidamada DANAB iyo NISA kula wareegeen Xarunta Madaxtooyada Galmudug ee ku taalla magaalada Cadaado. Agaasimaha Madaxtooyada Galmudug Maxamed Cabdi Aadan oo warbaahinta kula hadlay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inuu aad ugu xun yahay in ciidamada dowladda ay weerar ku qaadaan Maamulka Galmudug, taasi uu ku tilmaamay in ay nasiib ...

Read More »

Ra’iisul Wasaare Khayre Oo Safar Ugu Baxay Switzerland

  03-03-2019   Muqdisho (SONNA) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khaye, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta booqasho gaaban ugu baxay magaalada Geneva ee dalka Switzerland. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Geneva uga qeyb gelaya kulamo looga hadlayo arrinmaha shaqo la’aanta dhallinyarada iyo haweenka. Inta uu joogo Geneva, ayaa Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu hadal ...

Read More »

Xiisad Dagaal Oo Ka Taagan Duleedka Balcad

  03/03/2019   Balcad (SMN) – Wararka naga soo gaaraya Shabeelaha Dhexe ayaa lagu soo warramayaa in saaka xiisad dagaal ay ka taagan tahay deegaanka Xawaadley oo hoostaga degmada Balcad ee gobolkaaasi. Xiisadan oo ah mid xoogan ayaa waxa ay dhexeysaa labo beeleed oo wada daga deegaankaasi. Dhaq dhaqaqaaqyo iska soo horjeeda ayaa haatan socda, iyadoona dadka deegaanku ay cabsi ...

Read More »

Ciidamada Booliska oo howlgallo baaritaano guri guri ah ka wada Beledweyne

  03/03/2019   Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Booliska ay howlgallo ka wadaan xaafado dhowr ah, iyadoo howlgalkan ka dambeeyay markii falal dilal ah ay maalmihii la soo dhaafay dhaceen. Sida wararku sheegayaan howlgaladan ayaa xooggiisa dhanka galbeed ee magaalada Beledweyne, gaar ahaan Xaafada Howlwadaag, waxaana howlgalku yahay mid guri guri lagu baarayo. ...

Read More »

Qeyla dhaan laga soo saaray kooxo dalxiisayaal ah oo ku sugan degmada Warsheekh

  03-03-2019   Degmada Warsheekh oo ka tirsan gobolka Sh/dhexe waxaa maalmahaan ku soo badanayay kooxo dalxiisayaal ah oo isugu jira qurbajoog iyo fannaaniin dhammaantood dalka dib ugu soo laabtay, kuwaasi oo iyagu degmada ku soo kordhiyay dhaqamadii ay ku hayeen dalalka Yurub. Sheekh C/raxmaan Macallim Axmed oo ka mid ah culumaa’udiinka degmada Warsheekh isla markaana horay Guddoomiye uga soo ...

Read More »

Madaxda gobolka waqooyi bari kenya oo sheegay in ay la dagaalami doonaan Ururka Al-Shabaab

  02-03-2019   Madaxa golaha aqlabiyada baarlamaanka Kenya ahna xildhibaanka laga soo doortay magaalada Garissa mr Aden Bare Ducaale ayaa waxaa uu ugu baaqay dowlada Kenya in ay kala shaqeyso madaxda gobolka waqooyi bari xaqiijinta amniga. Mr Ducaale oo maanta ka hadlayay Hotelka Lantan ee magaalada Garissa oo uu ka socdo maalintii labaad shirka hogaamiye yaasha ka soo jeeda ismaamulada ...

Read More »