Cabdiraxmaan C/Shakuur Oo Tuhun Ka Bixiyay Socdaalka Emmanuel Macron Ku Marayo Gobolka Geeska Afrika (Sawiro)

 

13/03/2019

 

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron,ayaa markii ugu horeysay labaatan sano ka dib booqasho ku yimid dalalka Kenya,Jabuuti iyo Itoobiya oo ka wada tirsan dalalka Gobolka Geeska Afrika.

Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur ayaa qormo kooban oo uu ka qoray safarka madaxweynaha Faransiiska ku tagay dalalkan ku cabiray sida aysan Soomaaliya ugu baraarugsaneyd siyaasiyiin iyo saxaafadba safarka Emmanuel Macron.

Halkaan Hoose ka Akhriso Qoraalka C/raxmaan C/shakuur:-

Waxaan isha ku hayey booqashada Madaxweynaha Faransiiska ee Geeska Afrika. Emmanuel Macron, wuxuu booqday Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya. Waa markii ugu horeysay mudo labaatan sano ah uu Madaxweyne Faransiis ah Jabuuti booqasho ku yimaado. Waana markii koowaad uu Madaxweyne Faransiis ah Kenya booqdo. Macron wuxuu Itoobiya la saxiixday heshiis “Difaaca Wadajirka ah ee Labada Dal”. Heshiisku wuxuu diirada saarayaa tababarka iyo qalabaynta ciidanka Itoobiya iyo la dagalaanka aragagexisada, laakiin waxaa ugub ku ah in Faransiisku uu Itoobiya ka caawinayo dhismaha ciidanka Badda, labada dalna iska kaashadaan la dagalaanka burcad Badeedka Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

Ka sokow in Faransiisku uu doonayo in uu kaalintiisa Geeska Afrika xajisto, haddana kulamada Marcon iyo khudbooyinkiisaba kama marnayn xadaynta saamaynta sii kordhaysa ee ay Shiinuhu ku leeyihiin Geeska Afrika. Loolanka shiinuhu wuxuu macno u yeelay, islmarkaana sare uu qaaday ahmiyada istiraatiijiyadeed ee Geeska Afrika u leeyahay dunida, gaar ahaan awoodaha tunka xoogan iyo xulafadooda Gobolka iyo Gacanka Khaliijka.

Saxaafada Dunida way ka hadleen socodka Marcon ee Gobolka, laakiin saxaafada Soomaalidu waxba kama qorin booqashada Macron ee Geeska Afrika. Mana filaayo in badan oo siyaasiyiin ahna in ayba warba ka hayaan.

Xigasho: Shaaciye News

Leave a Reply