Cabdi Xaashi Oo Fariin Udiray Madaxda Maamulada

07/12/2018

 

Kismaayo – Afhayeenka Gollaha Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG Jubbaland ayaa baaq ujeediyay madaxda maamulada.

Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa ku tartarsiiyay Madaxwayneyaasha dowladaha xubnaha ka ah dowlada Federaalka inay wax kasta ka horumariyaan danta Ummadda iyo dalka, si loo gaaro horumar iyo nabad-gelyo.

Isaga oo sii hadlaya ayuu Gudoomiyuhu cod dheer ku sheegay in sidoo kale looga fadhiyo hogaamiyaasha in mid kasta oo dhamaantooda kamid ah uu muujiyo tanaasul, islamarkaana ay iska ilaabaan danahooda gaarka ah.

Hadalkaan kasoo yeeray Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa imaanaya xili uu shalay gaarey xarun goboleedka Jubadda Hoose, halkaasi oo xalay kulamo gaar-gaar ah kula yeeshay hogaanka maamul goboleedkaan.

Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa xusul duub ugu jira sidii loo dhameyn lahaa mad-madowga siyaasadeed ee ka dhaxeeya dowlada iyo maamulada, kaasi oo umuuqda mid qarka usaarna in la xaliyo. – Radio Shabelle

Leave a Reply