C/raxmaan C/shakuur “Maamulka Villa Somalia waxay rabaan inay wiiqaan awoodda Maamul goboleedyada”

11 Settembre, 2018

 

Iyadoo uu sii xoogeysanayo khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada oo dhowaan ku dhawaaqay inay hakiyeen wada shaqeyntii dowladda Federaalka ayaa Siyaasiyiinta Mucaaradka ay ku eedeeyeen dowladda Federaalka inay qorsheyneyso inay talada ka tuurto Madaxda maamul goboleedyada qaar.

Wareysi uu siiyay Telefishinka Universal Hoggaamiyaha Mucaaradka C/raxmaan C/shakuur Warsame ayuu ku sheegay in dowladda Soomaaliya, gaar ahaan Villa Somalia ay dooneyso inay wiiqdo awoodda Maamul Goboleedyada.

Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Farmaajo aanu dooneyn nidaamka Federaalka, isla markaana taa bedelkeed uu rabo nidaamka dowlad dhexe oo awood leh.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dalka uu halis amni qaran uu ku jiro, isagoo sheegay in madaxda haatan ee Hey’adda Nabadsugida Qaranka ay tuhuno badan ku jiraan sida uu yiri.

Halkan hoose ka daawo Wareysiga.

Xigasho: Jowhar News

Leave a Reply