C/raxmaan C/shakuur “Galmudug Loo Dhisayo Doorashada 2020-ka Ma Rabno”

 

20/08/2019

 

Dhuusamareeb – Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in ay u baahan yihiin dhismaha Galmudug oo deegaanka ah bedalkii Galmudug loo dhisi lahaa doorashada 2020-ka.

Wuxuu tilmaamay C/raxmaan, in markii hore ee la dhisayey Galmudug loo dhisay doorashada 2016, lana ogaaday wixii dhacay.

“Howsha la qaban doono ma mid lagu dhisaayo Galmudugaa mise waamid doorashada 2020-ka loo habeeyo…Galmudug 2015-kii markii la dhisayey waxaa loo dhisay doorashada 2016-ka dadka dhan wey ogaayeen, marka annaga tii oo kale ma rabno, Galmudug loo dhisayo doorashada 2020-ka ma rabno, waxaan rabnaa Galmudug loo dhisayo deegaanka” ayuu yiri hoggaamiyaha xisbiga Wadajir. – Goobjoog News

Leave a Reply