Boqorkii Cuudka, Xudeydi oo Cudurka Covid-19 ugu geeriyooday magaalada London

 

08-04-2020

 

Waxaa xalay magaalada London cudurka Covid-19 ugu geeriyooday marxuum Maxamuud Ismaaciil Xuseen oo ku magac dheeraa “Xudeydi”, halkaas uu muddu hal isbuuca ah ugu jiray dhakhtar.

Cudurkaan Covid-19 oo fara ba’an ku haya Soomaalida ku nool magaalada London, ayaa waxaa dhawaan ugu geeriyooday R/Wasaarihii hore ee Somaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde iyo cayaartooygii Cabdulqaadir M. Biriq.

Xudeydi oo magac weyn ku dhex-leh suugaanta Soomaalida ayaa waxay si gaar ah loogu xasuusan-doonaa heestii caanka ahayd ee “UURKII HOOYO” ee uu u qaaday walaalkiis uusan arag muddo 10 sanno ah.

Al-fannaan Xudeydi ayaa da’diisu ahayd 92 jir ayaa wuxuu ku dhashay magaalada Berbera. Wuxuuna noloshiisii u badnayd Cadan iyo Bohoodle. Wuxuuna in muddu ah ku noolaa magaalada London ee dalka UK.

Xudeydi ayaa jaceylka fanka ku biiray isaga oo jira 14 jir ka dib markii aabihiis u geeyey Xaflad laga garaacayey “CUUDKA” magaalada Cadan oo wagaas ay ku noolaayeen Soomaali badan. Waana markii ugu horeysay ee uu arko Cuud la garaacayo. Aabihiis ayuu ka codsaday in uu u iibiyo CUUD. Halkaas ayeeyna ka bilaabatay Jecylka Cuudka iyo Xudeydi.

Waxaan dhawaan magaalada Jigjiga ku geeriyooday Daa’uud Cali Masxaf oo ka mid ah dadka sida weyn looga dambeeyo “CUUDKA”. – Hiran Online

Leave a Reply